Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ajaaniib ka tirsanaa Daacish oo la qabtay.

Ajaaniib ka tirsanaa Daacish oo la qabtay.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Puntland ee PSF ayaa waxaa ay soo bandhigeen 7 ruux oo Ajaanib ah kuwaas oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya si gaar ahna deegaanada Buuraleuda ee gobolka Bari.

Dadka ay soo bandhigeen Ciidamada Ammaanka ayaa waxaa la sheegay inay dhalasho ahaan kasoo jeedaan Wadanka Itoobiya, gaar ahaanna Qowmiyadda Oromada, Raggaan ayaa waxaa la qabtay bishii Juun ee sanadkaan iyagoo kusii jeeday buuraha Galgala ee gobolka Bari oo ay fariisimo ku leeyihiin Kooxda Daacish.

Qaar kamid ah Raggaan oo la wareystay ayaa waxaa ay sheegeen in la qiyaamay oo dadkii waday ay u geeyeen Kooxda Daacish, xogaha kale oo ay bixiyeen ayaa waxaa kamid ah in kooxda Daacish ay ka badaleen magacyadooda una bixiyeen magacyo afgarasho ah.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta qeybo kamid ah Soomaaliya ayaa xogo Sirdoon oo soo baxayay waxaa ay sheegeen inuu hoggaankeeda la wareegay nin u dhashay Itoobiya, Qowmiyadda Oromada, taasi ayaa la rumeysan yahay inay sare u qaaday Ajaanibta Itoobiyaanka ah ee kooxdan ku biiraya.

Dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ah meelaha ugu badan ee ay ku xooggan yihiin kooxaha Daacish & Al-Shabaab oo saldhigyo ciidan ku leh deegaanadaas.