Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Hir-Shabelle oo Hiiraan gaaray.
Guddi heer Wasiiro ah oo uu shalay xaalada Gobolka Hiiraan u Magacaabay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Goordhaw Gaaray Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Wafdiga Wasiirada waxaa hogaaminya Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan kheyre, Waxaana qeyb ka aha Wasiirka Ganacasiga iyo Warshadaha Feysal Xasan, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta iyo Wasiirka Duulista iyo hawada ee Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabelle.
Wafdiga Wasiirada ah ayaa Magaalada Baladweyne u Gaaray Gurmad Gaarsiinta boqolal qoys oo kasoo barkacay Dagaalada kasocoda Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Nawaaxiga Degmooyinka Maxaas iyo Mataaban.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo ka Duulayo Xalaada Murgsan ee Deegaanadaas Laga Soo Sheegayay Saacadahii ugu Dambeeyay ayaa u Magacaabay Guddigan inay Sida ugu dhaqsiyada badan ugu jawaaban Xaalada Bani'aadan nimo ee Qoysaskii kasoo barkacay Dagaalada, kuwaaso Guriyhii Laga Gubay Ceelshii biyahan Laga duugay.