Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Imaaraadka oo 2.5 Milyan oo qof gargaar ku taageeraya.

Imaaraadka oo 2.5 Milyan oo qof gargaar ku taageeraya.

Markab sida in ka badan 1,000 Tan oo raashiin & gargaar kale ah oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa soo gaaray Soomaaliya si loogu taageero Malaayiin qof oo ay saameyn ku yeelatay abaarta ka jirta guud ahaan Soomaaliya.

Shixnadaan gargaarka ah ee ay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ugu talo gashay gurmadka Bani’aadan nimo ee Soomaaliya ayaa soo gaartay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Imaaraadka & Hay’adaheeda ka shaqeeya Arrimaha gargaarka ayaa ka bilaabaya dhawaan gudaha Soomaaliya qeybinta deeqdan iyaga oo kaashanaya Mas’uuliyiin gudaha ah sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay UAE.

Meelaha ugu badan ee la qorsheeyay in gurmadka la gaarsiiyo ayaa waxaa kamid ah goobaha ay kusoo barakaceen dadka ka yimid qeybo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya guud ahaan, sidoo kale waxaa la gaari doonaa deegaanada miyiga fog ah oo ay ku sugan yihiin dad soo gaari waayay magaalooyinka waaweyn.

Gargaarkaan ka yimid dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa qorshihiisu yahay in lagu taageero dad tiro ahaan gaaraya 2.5 Milyan oo qof oo kamid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya ee ay sababeen Roob yarida.

Markabkaan gargaarka gaaraya 1,000 Tan ayaa kusoo aadaya Hal Bil kadib markii sidaan oo kale Markab siday Shixnad gaareysa 572 Tan oo sahay cunto ah uu soo gaaray Soomaaliya.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Hay’adaha kala ah UNHCR & NRC ayaa lagu sheegay in abaarta ka jirta Soomaaliya tan iyo bishii January 2021 ay ku barakaceen Hal Milyan oo qof.