Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Cali Guudlaawe oo Wasiir cusub magacaabay.

Cali Guudlaawe oo Wasiir cusub magacaabay.

Jowhar : Madaxweynaha Dowlad goboleedkaa Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta soo saaray wareegto uu magacaabay Wasiir cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiirada ama Xukuumadda ee maamulka Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga waxaa uu u magacaabay Axmed Sheekh Nuur Cabdi (Cirro), sidoo kale Xuseen Maxamed Tuuryare ayaa loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda.