Faah faahinta Ciidanka Amniga oo fashilay Qarax.
Jowhar : Ciidamada Ammaanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax nooca miinada ah kaasi oo xalay la dhigay qeybo ka mid ah Xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar.
Dadka dagan xaafadaha ka agdhow halka qaraxa la soo dhigay ayaa xalay xilli habeen ah qaarkood ka baxay guryahooda ka dib markii ay ka cabsadeen in uu saameeyo qaraxaasi lasoo dhigay meel kamid ah xaafadaha magaalada.
Laamaha Amaanka Dowladda ee ka howlgala Jowhar ayaa la filayaa in sacadaaha soo socda ay duleedka magaalada ku qarxiyaan miinadaasi, si dhibaato aysan ugu geysan dadka shacabka ah.
Maalmihii udambeeyay waxaa magaalada Jowhar oo ah Caasimada Hir-Shabeelle ku soo badanaayay qaraxyada miinada iyo kuwo ismiidaminta ah kuwaasi oo geysta qarsaaro kala duwan.