Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah-faahinta duqeyn diyaarad oo ka dhacday Sh Hoose.

Faah-faahinta duqeyn diyaarad oo ka dhacday Sh Hoose.

Diyaarado dagaal ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay duqeyn ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan degmada Awdheegle iyo deegaano hoostaga.

Duqeynta diyaaradeed ayaa lasoo warinayaa inay ka dhasheen qasaare kala duwan, qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen Gantaallo diyaaradaha dagaalku la beegsanayeen goobo ay ku sugnaayeen xubno kamida ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Duqeynta ugu xooggan ayaa lasoo warinayaa in lala beegsaday tuulada Nuungarre oo hoostagta degmada Awdheegle, xilligii ay duqeynta dhaceysay waxaa halkaas ku sugnaa xubno Al-Shabaab ka tirsan oo loo maleynayo inay Saraakiil ku jireen.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowlad goboleedka KGS iyo xitaa saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin duqeyntaan la sheegay inay diyaaradaha dagaalku ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose oo kamid ah goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha ugu badan ee ka tirsan Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax qasaare ah oo lasoo wariyay inay gaareen dadka shacabka ah ee ka agdhaw deegaanka duqeynta laga fuliyay, sidoo kale Al-Shabaab weli kama hadlin duqeyntaan ka dhacday tuulada Nuungarre oo ka tirsan degmada Awdheegle.

Dowladda Mareykanka ah oo ah tan Koowaad ee DFS ka taageerta howlgallada iyo duqeymaha dhanka cirka ah ayaa dhawaan dib u bilowday duqeymaha waxaa ayna dhawaan duqeyn ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan sheegeen inay ku dileen 14 xubin oo kamid ahaa Al-Shabaab.