Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Sawirro : Cali Guudlaawe oo gaaray Buulo-burte.

Sawirro : Cali Guudlaawe oo gaaray Buulo-burte.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Buulo Burde kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Xubnaha labada gole ee Dowladda, Saraakiisha Hay'adaha Ammaanka iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan waxaa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa xoojin doona howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka soconaya qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Hiiraan.