Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wasiir Fiqi oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Muqdisho : Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya Mr. Larry E. André.

Wasiir Fiqi iyo safiir Lary ayaa waxa ay ka wada hadlen barnaamijyada Xasilinta, Dib u heshiisiinta iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee inta badan gobollada dalka.

Wasiir Fiqi Ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsan tahay oo ay qadarinayso dadaalka iyo taageerada Dowladda Mareykanka ay u muujisay Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry E. André ayaa bogaadiyay waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda oo ay ka mid yihiin dib u xoraynta dhulalka gacanta dawladda ka maqan, xoojinta iyo Dhismayaasha maamulka deegaanka si looga jawaabo baahiyaha bulshada.