Dagaal beeleed ka dhacay gobolka Galgaduud.
Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaare xoogan geystay oo u dhaxeeyay beelo walaalo ah oo ka dhacay deegaanka Gaalyeel ee hoostaga degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud.
Maleeshiyo hubeysan oo kasoo kala jeeda laba beel oo deegaan wadaag ah ayaa ku dagaalamay milkiyadda dhul ku yaalla deegaanka Gaalyeel, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.
Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka ee lagu dul dagaalamay waxaa dagaalka ku geeriyooday Laba ruux, sidoo kalena dhaawaca Saddex kale ayaa la xaqiijiyay.
Inta badan deegaanada miyiga ah ee gobolada Soomaaliya waxaa ka dhaca dagaallo u dhaxeeya beelo deegaan wadaag ah, kuwaasi oo inta badan isku qabta dhul daaqsin ah, mid deegaan ah iyo Ceelal biyood.
Qeybo badan oo Soomaaliya ah waxaa si aad ah u saameyay abaaraha inta badan ku dhuftay gobolka geeska Africa, iyadoo ay taasi usii dheer tahay dagaallo wejiyo kala duwan leh oo xilliyada qaar dhaca.