Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hotel Hayat.

Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hotel Hayat.

Muqdisho : Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa weerar Qaraxyo ku bilowday oo xalay fiidkii kooxo hubeysan ay ku qaadeen Hotel Hayat oo ku yaalla agagaarka isgoyska Km4, iyadoo illaa iyo hadda laga maqlayo aaggaas rasaas goos goos ah.

Qaar kamid ah howl wadeenada Telefishinka SMS oo gaaray goobta oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan hay'adaha Caafimaadka ayaa soo warinaya qasaare dhimasho oo illaa iyo 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaa ka badan.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Hotel-ka la weeraray si ay usoo afjaraan ragga weerarka soo qaaday isla markaana ay usoo badbaadiyaan dadka gudaha Hotel-ka ku go'doomay.

Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaan oo qaraxyada ku bilowday, waxaana uu noqonayaa weerarkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan Muqdisho tan iyo markii 15-kii May dib loo doortay Xasan Sh Maxamuud inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.