Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Waa maxay Ajandaha kulanka maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?.

Waa maxay Ajandaha kulanka maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?.

Muqdisho : Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kalfadhiga 15aad ee kulanka 1aad, kaasi oo lagu waday in Sabtidii shalay ay isugu yimaadaan balse dib loo dhigay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maqribnimadii Jimcaha ee ina dhaaftay waxaa loo diray fariinta soo xaadiritaanka kulanka oo sida tan u qorneyd;

Xildhibaano

Beri oo  sabti ah, taariikhdu tahay 20 August, waxaa jira kulanweynihii  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Agendaha

1. Dhaarinta Madaweynihii hore M.ne Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo Adv Dahir - Xubin Guddiga Madaxa Banaan ee Hirgalinta Dastuurka

2. Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa

Wakhtiga - 09.00 Subaxnimo

Daqiiqado kadib markii fariintaas loo diray Xildhibaanada waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel-ka Xayaad oo ku yaalla aagga wadada Km4 ka dhacay Qaraxyo is xigay iyo weerar toos ah oo qaatay ku dhawaad 28 saac oo xiriir ah.

Mar kale guddoonka Golaha Shacabka ayaa farriin lagu baajinayo kulankii Sabtida lagu madalsanaa Xildhibaanada u diray mana lagu caddeyn sababta keentay baajinta, fariinta ayaana u qorneyd sida tan;

Ogeysiis Degdeg Ah

Xildhibaano, arrimo jira awgeed, Shirkii bari loo balansanaa, waxaa dib loogu dhigey maalinta Axada oo taariikhdu tahay 21 August.

Mahadasnidin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa fadhiga Baarlamaanka ee maanta  hortiisa loogu dhaarinayaa inuu kamid noqdo mudanayaasha Golaha Shacabka isaga oo noqonaya Xildhibaan sharafeed aan dhicin.

Sidoo kale Adv Dahir ayaa isagana loo dhaarinyaa inuu kamid noqdo Xubin ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Hirgalinta Dastuurka.

Iyadoo ugu dambeynti Xildhibaanada ay dooranayaan Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka ee BFS oo uu dhawaan liiskooda soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh Aadan Madoobe.