Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah faahinta dagaal ka dhacay gobolka Sh Hoose.

Faah faahinta dagaal ka dhacay gobolka Sh Hoose.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Laba beelood kaasi oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Yaaqbari weyne oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in dagaalku u dhaxeeyo Maleeshiyaad uu gadaal ka riixayo maamulka Wanlaweyn iyo dadka deegaanka ee Yaaqbari Weyne kuwaasi oo isku haya dhul deegaanka ku yaalla.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa dagaalka ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana tirada dadka ku dhintay lagu sheegay ilaa iyo 10 ruux oo uu kamid yahay Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Arrimaha Bulshada Wanlaweyn.

Wararka deegaanka laga helayo ayaa xaqiijinaya in weli ay isu muuqdaan Maleeshiyada weerarka ku qaaday Yaaqbari Weyne iyo dadka deegaanka isla markaana ay suuro gal tahay in daqiiqad walba uu dib u bilowdo dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin dagaalkaan la sheegay inay gadaal ka riixayaan maamulka Wanlaweyn, si lamid ah maamulka Koonfur Galbeed wax war ah kama soo saarin, waxaana dagaalka uu noqday mid deegaanka kusoo laa laabtay.