Faah faahinta kooxo hubeysan oo Nabadoon dilay.
Muqdisho : Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dableey Bistoolado ku hubeysan ay halkaasi ku dileen nin Nabadoon ahaa, kadibna ay goobta ka baxsadeen sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Nabad doonka la dilay ayaa magaciisu ahaa Maxamed Nuur Diiriye waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu kamid ahaa Nabad doonadii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka 11aad ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaanna Xildhibaano laga soo doorto magalaada Cadaado.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa tagay goobta lagu dilay Nabadoonka, baaritaan kooban oo ay ka sameeyeen aaga dilku ka dhacay kadib waxaa ay halkaas ka qaadeen Meydka Marxuumka iyagoo geeyay Xarunta Dambi Baarista Booliska ee CID.
Tan iyo markii uu dhacay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Saddex Nabad doon oo qaarkood ganacsato ahaa kuwaasi oo ku heyb ahaa beesha degta Degmada Cadaado iyo deegaanka Baxdo oo ay Al-Shabaab qasaare xooggan kala kulmeen kadib markii ay dhowr jeer weerareen.