Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xildhibaan Odawaa oo ka hadlay dilka Nabadoon Maxamed Diiriye.

Xildhibaan Odawaa oo ka hadlay dilka Nabadoon Maxamed Diiriye.

Muqdisho : Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa barqa nimadii maanta Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen Nabad doon lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Diiriye.

Nabaddoonka la dilay ayaa la sheegay inuu deegaan ahaan kasoo jeedo gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalada Cadaado, dad ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa beegsiga Nabaddoonada kasoo jeeda beesha degta Cadaado u sababeeyay dagaalkii Baxdo oo Al-Shabaab qasaare xooggan loogu geystay.

Xildhibaan Cabduraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ka hadlay geerida Nabaddoonka waxaana uu tacsi u diray Ehelka & Qaraabada uu ka geeriyooday isagoona Eebbe uga baryay inuu siiyo naxariista Janno.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa tagay goobta lagu dilay Nabadoonka, baaritaan kooban oo ay ka sameeyeen aaga dilku ka dhacay kadib waxaa ay halkaas ka qaadeen Meydka Marxuumka iyagoo geeyay Xarunta Dambi Baarista Booliska ee CID.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Saddex Nabad doon oo qaarkood ganacsato ahaa kuwaasi oo ku heyb ahaa beesha degta Degmada Cadaado iyo deegaanka Baxdo oo ay Al-Shabaab qasaare xooggan kala kulmeen kadib markii ay dhowr jeer weerareen.