Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Sawirro : Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagaxdhigay Mashruuc muhiim ah.

Sawirro : Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagaxdhigay Mashruuc muhiim ah.

Wadajir : Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda dalka qeybo kamid ah wadooyinka waxaa ka jira mashquul badan oo loo sababeeyo xirnaashaha jidadka qaar ee magaalada iyo wadooyinka jid cadayaasha ah ee xaafadaha oo ay dowladdii hore dhagxaan ku goysay.

Marka laga hadlayo cariiriga wadooyinka iyo saxmadda magaalada waa ay isla qabtaa haba lagu kala darnaadee, degmada Wadajir waxaa ay kamid tahay meelaha ugu badan ee dadka degan ay ka cabanayaan jid xumo.

Marka ay magaalada inteeda kale u gudbayaan kaliya dadka shacabka ah waxaa u furan Wadada Buulo Xubeey oo ay sidoo kale la adeegsadaan gaadiidka qaar ee dowladda iyo kuwa ciidanka, waxaana ay wadadaan ugu daran tahay marka uu roob da’o.

Maamulkii hore ee gobolka Banaadir ee mashruuca dhismaha wadadaan laamiga ah fuliyay ayaa lagu dhaliilay sida aan ka fiirsiga laheyn ee ay Biyo fariisin uga sameeyeen Warta Isbartiibada Xasan Hilaac, taasi oo markii buuxsanto laamiga biyaha kusoo celisa, dhowr jeer waxaa ka dhashay qasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray guryaha deriska la’ah.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigay fulinta mashruuca Biya-Mareenka isku xiri doona wadada Ceel Qaloow ilaa Bada kaasi oo hadii uu hirgalo wax badan ka tari kara dhibaatada ay bulshada deegaanka kala kulmayaan iyo sidoo kale dib u hagaajinta Warta Ceel Qaloow.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in hirgelinta mashruucaan ay ku baxeyso lacag qiimaheedu gaarayo Labo Milyan & Shan Boqol Dollar, taasi oo uu sheegay inaysan jirin cid si gaar ah uga taageereysa oo ay isku tashi maamulka iyo bulshada ah ku dhisayaan.

Guddoomiye Cumar Finish oo sii hadlayay ayaa sheegay in dhismaha & hirgelinta mashruucaan qorshihiisu yahay in lagu soo gabagabeeyo muddo ku siman Lix Bilood oo qura.