Maxaa ka socda xarunta Golaha Shacabka?.
Muqdisho : Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada ee Villa Hargeysa waxaa maanta qorshuhu ahaa inuu ka qabsoomo kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wariyeyaal ka tirsan Telefishanka SMS SOMALI TV oo xarunta ku sugan ayaa soo sheegaya in dib u dhac uu ku yimid waqtigii la qorsheeyay inuu furmo kulanka Maanta oo khamiis ah ay yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee dalka.
Farriinta wargelinta kulanka ee Xildhibaanada loo diray xalay fiidkii hore ayaa u qorneyd sida tan;
Xildhibaano
Barri oo khamiis ah taariikhduna tahay 25.08.2022, waxaa jira kulan weynihii Golaha Shacabka.
Agendaha:-
1. Dhageysi Warbixin dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool.
2. U codeynta labada Habdhawre ku-Xigeen ee magacaaban.
3.Doorashada xubnaha Guddiga kor joogteynta Dib- u- Eegista Dastuurka ee Golaha Shacabka.
4. Xidhitaanka kalfadhiga 1aad ee Golaha shacabka - BFS
Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa
Wakhtiga - 09.00 Subaxnimo
Waqtiga balanta oo aheyd 09:00 subaxnimo ayaa in badan dib looga dhacay waxaana loo sababeeyay roob saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay Muqdisho kaasi oo wadooyinka qaar biyo dhigay isu socodkana gaabis ku yimid iyo safarka ay Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha uga baxeen Muqdisho oo jidadka loo xiray ciriiri badana ku keenay isu socodka meelaha qaar.
Sidoo kale wararka aanu heleyno ayaa sheegaya inay suuro gal tahay inuu dab u dhac ku yimaado kulanka Baarlamaanka ee maanta sababo la xiriira kooram la’aan, maadaama Safarada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay raaceen Xildhibaano badan.