Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Sawirro : Wararkii ugu dambeeyay Howlgal wadajir ah oo ka dhacay Jubada Hoose.

Sawirro : Wararkii ugu dambeeyay Howlgal wadajir ah oo ka dhacay Jubada Hoose.

Howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo Ciidanka Nabad Sugidda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay ciidanku ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidamada Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab & NISA Jubbaland waxaana ay ciidamadu gaareen deegaanada kala ah; Beerxaani, Yaaq Xaluul, Kaamjaroon iyo Mudulow oo dhamaantood kawada tirsan Jubada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidanka Danab ayaa lagu sheegay in intii uu howlgalku socday ay ciidamadu dileen Saddex kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, halka lagu dhaawacay Labo xubin oo isla Al-Shabaab ka tirsan.

Saraakiil u hadashay Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in intii ay ku jireen howlgalkooda ay gurmad caafimaad u fidiyeen dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qaraxyo ay Al-Shabaab wadada ku aaseen, sidoo kalena ay ciidamadu jidadka kasoo saareen Miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen.

Carab dheeg Axmed Taliyaha Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab ayaa sheegay inay howlgalka kusoo furteen hub ay ka carareen Al-Shabaab waxaana uu ballan qaaday inay sii joogteynayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.