Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Saraakiil ka tirsan CXD oo gaaray Baxdo.

Saraakiil ka tirsan CXD oo gaaray Baxdo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray deegaanka Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Saraakiishaan Ciidamada ka tirsan ayaa ujeedkooda ugu weyn ee ay u tageen Baxdo ku sheegay inay dhiiri geliyaan dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 1aad ee Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) ayaa hoggaaminayay wafdigaan Saraakiisha ah ee gaaray deegaanka Baxdo.

Deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa dhowr jeer waxaa weerar ku qaaday xubno kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab balse dadka deegaanka ayaa iska caabiyay.

Saraakiishaan deegaanka tagay ayaa lasoo warinayaa inay gurmad iyo agab ciidan oo difaaca loo isticmaalo ay gaarsiinayaan dadka deegaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab.