Sawirro : Ciidanka Dowladda oo deegaano kala wareegay Al-Shabaab.
Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururada 83-aad & 84-aad, Guutada 14-October ee Xoogga Dalka iyo Ciidanka Howlgalka Atmis Taliskooda Janaale ayaa howlgal wadajir ah ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Sh Hoose.
Ciidamada Huwanta ah ayaa howlgalkooda waxaa ay ku gaareen deegaanno ay ka ariminayeen dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo ay kamid yihiin; Siigaale, Malable, Buulo Aruundi, Beeraha Baay iyo Cabanaeey oo hoostaga Janaale.
Taliyaha Ururka 84-aad ee Guutada 14-October L/Xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka Hogaaminayay ayaa waxaa uu warbaahinta uxaqiijiyay howlgalka intii uu socday inay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Al-Shabaab ku Aaseen wadada isku xirta Deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ay doonayeen inay shacabka ku dhibaateeyaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in intii uu socday howlgalka ay bur buriyeen fariisimo ay lahaayeen xubno kamid ah dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo uu sheegay inay lacago ku qaadi jireen.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah goobaha ugu badan oo ay ka howlgalaan Ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan, waxaana weli deegaano gobolka ka tirsan ku sugan Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.




