Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Sawirro : Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo qaabilay Wafdi ka socday WHO.

Sawirro : Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo qaabilay Wafdi ka socday WHO.

Muqdisho : Wafdiga oo ay horkacayeen wakiilka WHO ee Soomaaliya Dr MD Mamunur Rahman Malik, iyo la taliyaha Siyaasadda Caafimaadka Dr  Marina Medeo ayaan kala hadley howlaha Hey'adda WHO ay ka qabato Soomaaliya maadaama Hey'addu ka shaqeyso arimaha Caafimaadka.

kulanka waxaan diiradda ku saarney wada shaqeynta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada kala dhaxeysa WHO iyo doorka Hey'adda ay ka qaadato horumarinta dhanka Caafimaadka.

Wafdiga waxay warbixin iga siiyeen Mashaariicda World Health Organization ay hadda ka hayaan arimaha Caafimaadka oo Bulshada Soomaaliyeed muhiim u ah xili kasta iyo arimaha la xiriira gargaarka Caafimaad ee ay ka wadaan guud ahaan Dalka.

Wasaaradda iyo Hey'adda waxaa ka dhaxeeya wada shqeyn ballaaran maadaama labada dhinacba howllahoodu yihiin Caafimaad iyo Daryeel oo ah howlaha ugu adag ee Bulsho loo qabto.

waxaa kale oo aan ka wada hadalney in Wasaaradda ay kala shaqeeyaan dhismaha xarumaha Caafimaad gaar ahaan Isbitaalada Gobolada oo ay Wasaaradda Caafimaadka ka leedahay qorsho cad oo lagu tayeynayo Isbitaalada shaqeeya halka kuwa kale ee aan shaqeyna wasaaraddu ka shaqeyn doonto sida ugu dhow ee lagu howlgalinlahaa.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay diiradda saari doontaa in Bulshada Soomaaliyeed wada helaan adeeg Caafimaad oo buuxa, si gaar ah dadka aan fursadda u hellin in ay helaan adeegii ay u baahnaayeen in loo tayeeyo ama loo howlgaliyo Isbitaaladda Dowladda ee ku yaalla Gobolada Dalka.

Wadashaqeynta Wasaaradda iyo World Health Organization waxa ugu muhiimsan ayaa ah in Bulshadeenu hesho jawaab waafi ah oo ku aadan baahiyaha dhanka Caafimaadka ah ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada howlaha horyaalla waxay u dar dar galindoontaa sida ugu dhaqsiyaha badan iyadoo kaashaneysa Ururada Caalamiga ah ee wada shaqeyntu kala dhaxeeysa.