Sawirro : Ciidanka Danab oo howlgal ka sameeyay Sh Dhexe.
Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa howlgallo waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.
Howlgalkaan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidamada Ururka 7aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab XDS, waxaana deegaanada ay ciidamadu gaareen kamid ah Gamboole, Ceel Cadde & Jameeco Jiliyaale oo kawada tirsan gobolka Sh Dhexe.
Deegaanadaan ay Ciidamadu howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa maamula xoogaga Al-Shabaab, waxaase saraakiil ka tirsan Ciidanka Danab ay sheegeen in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanadaan markii ay ku dhawaadeen Ciidamada.
Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkani uu qeyb ka yahay dhaq dhaqaaqayada guud ee ay wadaan Ciidamada Dowladda & dad deegaanka oo iskaashanaya loogana horjeedo Ururka Al-Shabaab.


