Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Hoobiyeyaal ku dhacay xaafado Muqdisho ka tirsan.

Hoobiyeyaal ku dhacay xaafado Muqdisho ka tirsan.

Muqdisho : Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qasaaraha ka dhashay Hoobiyeyaal ku dhacay xaafado katirsan degmooyinka Muqdisho gaar ahaan Xamar Weyne & Boondheere, kuwaasoo la sheegay in loo waday Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyeyaashaan oo tiro ahaan gaarayay ilaa Afar ayaa gebi ahaanba ku dhacay xaafado ay dad shacab ah degan yihiin, agagaarka Iskoolka Wiilwaal, Taalada Daljirka Dahsoon iyo Casa Italia oo ka kala tirsan degmooyinka Boondheere iyo Xamar Weyne.

Madaafiicda ku dhacday degmada Xamar Weyne ayaa goobjoogayaal waxaa ay xaqiijiyeen geerida Saddex ruux, oo gurigooda uu ugu tagay Madfac haboow ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux oo kale dhamaan dadkaan ayaa daganaa Xaafadda Casa Italia.

Dhanka kale degmada Boondheere aagga Iskoolka Wiilwaal Hoobiye ku dhacay waxaa ku dhaawacmay ilaa Afar ruux, lama soo warin qasaare dhimasho, waxaa sidoo kale aan qarxin Hoobiye kale oo ku dhacay agagaarka taalada Daljirka Dahsoon.

Maamulada degmooyinka Boondheere, Xamar Weyne, kan gobolka Banaadir iyo hay’adaha Amniga ee dowladda Soomaaliya weli kama hadlin Madaafiicdan saakay ku dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Xamar Weyne iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho.