Faah faahino kasoo baxaya weerar Muqdisho ka dhacay.
Muqdisho : Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay xalay dableey hubeysan ku qaadeen koox dhalinyaro ah oo si weyn looga yaqaano baraha bulshada ay Soomaalidu isticmaasho kuwaas oo ku caweynayay agagaarka Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan.
Wararka ayaa sheegaya in dableeydu ay beegsadeen Bilaal Bulshaawi oo ah wiil dhalinyaro ah oo si weyna looga yaqaano baraha bulshada gaar ahaan aaladda Tiktok, xogaha ayaa sheegaya inuu dhaawac soo gaaray Bilaal iyo wiil kale oo ay goob wada fadhiyeen.
Labada dhalinyaro ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana la geeyay Isbitaalka Digfeer si loola tacaalo xaaladooda caafimaad, wararka saakay la helayo ayaa sheegaya in xaalada dhalinyaradaan ay soo hagaageyso waloow Bilaal uu dhaawac madaxa ah yahay.
Dhalinyaradaan ayaa si'aad ah uga qeyb qaatay barnaamijyada gurmadka ee dadka dhibaateysan, inkastoo Bilaal uu xilliyadii dambe si'aad ah ula falgalay dhinaca siyaasadda oo uu taageere u muujiyay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed C/laahi Farmaajo.