Al-Shabaab oo gubay kolonyo gaadiid ah.
Hiiraan : Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xubno kamid ah dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo gurmad u waday qeybo kamid ah deegaanada gobolka Hiiraan.
Kolonyada gaadiidka ah ee la weeraray ayaa la sheegay inay ka baxeen magaalada Balad weyne waxaa ayna kusii jeedeen deegaano hoostaga degmada Maxaas oo ay dhawaan ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda oo wada jira ay kala wareegeen Al-Shabaab.
Ku dhawaad 20 ruux ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen kadib markii Al-Shabaab ay weerareen kolonyada gaadiidka ah iyagoona dab qabadsiiyay gaadiidka, raashiinkii saarnaa iyo dadkii la socday gebi ahaanba.
Maamulka deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday kan dowlad goboleedka Hir-Shabeelle iyo dowladda dhexe intuba ma jiro mas'uul ilaa iyo hadda ka hadlay, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro abaabul dadka deegaanka iyo ciidamo ay wadaan kuwaasi oo doonaya inay gurmad ku gaaraan deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday.