Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Xog : Al-Shabaab oo adeegsanaya Drones-ka sahanka.

File photo dated 21/5/2007 of a Merseyside Police aerial surveillance drone which has been grounded amid concerns it was being used illegally. PRESS ASSOCIATION Photo. Issue date: Tuesday February 16, 2010. Last week Merseyside Police announced the military-designed drone had been involved in its fi
File photo dated 21/5/2007 of a Merseyside Police aerial surveillance drone which has been grounded amid concerns it was being used illegally. PRESS ASSOCIATION Photo. Issue date: Tuesday February 16, 2010. Last week Merseyside Police announced the military-designed drone had been involved in its fi

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay markii ugu horreeysay shaacisay xogta la xiriirta inay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya sidoo kalena weeraro ka fuliya dalalka deriska la'ah ay bilaabeen adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah gaar ahaan aaladaha Drones-ka.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe la wadaagay xogta ah inay Al-Shabaab iminka bilaabeen adeegsiga Tiknoolojiyadda si'ay u fuliyaan weerarro dhibaato badan ay ka dhalan karto.

Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay jiraan shaqsiyaad qaab ganacsi ah ugu fududeeyay inay helaan agabyada casriga ah sida Maadooyinka Kiimikada ee qaraxyada laga farsameeyo iyo haatan oo la baahiyay xogta sheegeysa inay heleen diyaarado Drone ah oo sahanka ka qeyb qaata loona adeegsan karo weeraro halistooda wata.

Jeffrey DeLaurentis oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska ergada dowladda Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay haatan isticmaalayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ka, si ay u sahmiyaan, una helaan xogaha sirdoon ee ku aaddan bartilmaameedyada nugul si'ay weeraro u fuliyaan.

Weerarkii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Xayaat kaasi oo qaatay ku dhawaad 30 Saacadood ayaa xoguhu sheegayaan inay u adeegsadeen Tiknoolojiyadda Casriga ah, si ay weerarkaasi u fuliyaan.

Shirka Golaha Ammaanka ee ka hortagga Argagixisada oo 31-kii August lagu qabtay magaalada Nairobi waxaana la marti geliyay dowladaha Kenya iyo Imaaraadka oo aan iminka kamid ah xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay sheegtay inay si dhaw ula shaqeyneyso dowladda Kenya, waxaa ayna ku amaaneen kaalintooda ku aadan sida ay uga qeyb qaateen ka hortagga falalka Argagixiso.

Afartii Bishii November Sanadkii 2021, ayaa warbaahinta gudaha waxaa ay heleen xogta la xiriita in Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku qabteen diyaarado Drones ah, kuwaasi oo tiro ahaan la sheegay inay gaarayaan ilaa Lix diyaaradood oo Drones ah.

Wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa soo baxay warar kala duwan inkastoo markii dambe Xildhibaan hore Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi uu sheegay inuu isagu lahaa diyaaradaha Drone-ska ah ee Nabad Sugiddu ku qabteen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay in diyaaradahaas Drone-ka ah uu isagu dalka keenay qorahahoodu ahaa in loo isticmaalo in beeraha looga buufiyo cayayaanka, wixii xilligaas ka dambeeyay lama helin xogta diyaaradahaas Drone-ska ah , iyadoo ay dowladda Mareykanku shaacisay markii ugu horreysay xogta la xiriirta inay Al-Shabaab heystaan diyaarado Drone ah oo sahminta loo adeegsan karo si'ay weeraro u fuliyaan.