Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Axmed Madoobe oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab.

Axmed Madoobe oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab.

Kismaayo : Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii maalintii shalay ay Al-Shabaab ku dileen gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya, waxaa uuna ku baaqay in dhamaan dowlad goboleedyada & Dowladda Dhexe ay u midoowaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Madoobe laguna daabacay bogga rasmiga ah ee uu Facebook ku leeyahay ayaa waxaa uu u qornaa sida tan;.

"Waxaan murugada la qeybsanayaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku wayay musiibada ka dhacday Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle halkaas oo kooxaha argagixisada ah ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur aan waxba galabsan.

Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga Mid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka si aan kala sooc lahayn wadada kaliyah ee inoo furan Waa in si wadajir ah aan ugu midowno dagaalkooda iyo in aan ka saaro guud ahaan dalkeena.

Waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolkaas inayna ka niyad jabin dadaaladii ay Sida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Habka kaliyah ee Argagixisada aan kaga adkaan karo waa in la qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo istiraatijiyad amni oo midaysan".