Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Sawirro : Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi ka socda UNDP.

Sawirro : Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi ka socda UNDP.

Muqdisho : Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Qorshaynta iyo Wacyigalinta iyo lataliyaasha Wasaaradda ayaa kulan la yeeshay uqaabilsanaha Hay’adda UNDP Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sida ay Hay’adda UNDP u taageeri lahayd howlaha hor-tabinta u leh Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ugu horreeyan dhammaystirka Dastuurka iyo Sarraynta sharciga.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macalin ayaa sheegay in ay ka Wasaarad ahaan ay ka go’antahay sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee horyaalla Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka.

Dhanka kale u qaabilsanaha Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Joceleyn Mason ayaa ballanqaaday in ay ka taageri doonaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka arrimaha mudnaanta u leh howlaha Wasaaradda.