Sawirro : Dagaal ka socda duleedka Magaalada Muqdisho.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo xubno kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ka socda duleedka magaalada Muqdisho.
Ciidanka Dowladda oo isugu jira Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Duufaan ee NISA ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday deegaano dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobolada Sh Dhexe iyo Sh Hoose.
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Ciidamadu ay bartilmaameedsanayeen fariisimo ay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Basra iyo Beerta Cali Mahdi oo ay ku lahaayeen Maxkamad ay ku qaadaan dacwooyinka.
Deegaanka Basra ayaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ku lahaayeen fariisimo, halka Beerta Cali Mahdi ay ahayd Maxkamadda ugu weyn ee ay Al-Shabaab uga yeeraan dadka kunool Gobolka Banaadir iyo deegaanada ku dhaw.
Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalka halkaan kala soco








