Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Sawirro : Qoor qoor oo qorshe dagaal kawada Galgaduud.

Sawirro : Qoor qoor oo qorshe dagaal kawada Galgaduud.

Baxdo : Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Maarsamage ee dhaca bariga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay dadka deeegaanka Maarsamage iyo deegaanada hoostaga isu diyaarinayaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Axmed Qoor qoor ayaa warbixin ka dhageestay odayaasha iyo hogaanka ciidanka deeganka oo ah shacab iskood isku abaabulay kuwaas oo u diyaar garoobay la dagaalanka Al-Shabaab, waxayna sheegeen odayaasha in ay diyaar u yihiin in ay deegaankooda ka difaacdaan duulaan kasta oo kaga yimaada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo qeyb ka ah safarka Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Wasaaradaha qaabilsan arrimaha bani'aadanimada ay dadka deegaanada gaarsiin doonaan gargaar dhankasta leh, waxaa uuna baaq u diray hay'adaha arrimaha gargaaka inay dadka deegaanada abaarta iyo colaada ka jirto ay soo gaaraan.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa la hadlay odayaasha iyo dadka deegaanka waxaana uu bogaadiyay dadka deegaanka sida geesinimada leh ee ay ugu diyaar garoobeen la dagaalanka Al-Shabaab, waxuuna intaas ku daray in dowladdu ay garab taagan tahay had iyo goor dadka shacabka ah ee u istaagay inay iska dulqaadaan cadawga nolosha u diidan ee mar walba maleegaya dhagarta ka dhanka ah shacabka, isagoona ugu danbayn baaq u diray hay'adaha gargaarka inay degdeg u soo gaaraan dadka ku sugan guud ahaan deegaanada Galmudug.

Qeybo kamid ah deegaanada maamulada Hir-Shabeelle iyo Galmudug waxaa ka jira dagaal u dhaxeeya Ururka Al-Shabaab iyo Dadka deegaanka oo garab ka helaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana meelaha qaar laga soo warinayaa xaalado Bani’aadanimo.