Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah faahinta Howlgal ka dhacay Jubada Hoose.

Faah faahinta Howlgal ka dhacay Jubada Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab Ee XDS Gaar Ahaan Ururka 5aad, Guutada 16aad ayaa Howlgalo Qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaanada kala ah Yaaq Bishaar, Buulaxaaji, Kaanjaroon Iyo Warta Biloow oo ka wada tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka Danab ayaa sheegay inay hawlgalka kusoo qabteen Horjoogihii u qaabilsanaa dhanka Miinooyinka kaas oo lagu magacabo Xasan Cabdulaahi Abshir Al-Shabaabna looga dhex yaqananay Abu Faaruq.

Saraakiisha u hadashay Ciidanka Danab ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen inay howlgalka ku dileen Labo dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo ay Ciidamadu soo saareen Miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen deegaanada qaar.

Taliyaha Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab XDS Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Dhinaca kale Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS ayaa biyo dhaamin waxaa ay u sameeyeen dadka  shacabka ah ee ku dhaqan deeganada ay Ciidamadu howlgallada ka sameeyeen.