Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Sawirro : Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Sawirro : Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Qahira : Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Abshir Omar Jama Haruuse oo ka qayb galay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Jamacadda Carabta ayaa kormeer shaqo ku tagey safaaradda Soomaaliya ee Qaahira, Masar.

Wasiir Abshir Haruuse iyo mas’uuliyiinta la socotay waxaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Masar, Qunsulka Safaaradda, La taliyeyaasha, Xoghayeyaasha iyo hawl wadeenada guud ee Safaaradda ka howlgala.

Wasiirka ayaa intii uu booqashada ku jiray safaaradda gudeheeda waxaa uu kula kulmay qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed oo loo adeegayay iyo kuwo si ku meel gaar ah uga shaqaynayay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira Masar.

Waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda safarkiisa shaqo iyo booqashada safaaradda ku wehliyay Xoghayaha joogtada ah iyo Agaasimaha Waaxda Carabta iyo hawl-wadeenno kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.