Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

DF oo war kasoo saartay howlgal ka dhacay Sh Hoose.

DF oo war kasoo saartay howlgal ka dhacay Sh Hoose.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda kaasi oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay inay howlgalkaan Ciidamadu ku beegsadeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena la beegsaday xaruntii ugu weyneyd ee ay Al-Shabaab dadka lacagaha uga qaadi jireen.

Howlgalkaan ayey dowladdu sheegtay in laga fuliyay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose laguna dilay xubnihii ugu sarreeyay Al-Shabaabkii deegaanka joogay, Dowladdu ma sheegin Ciidanka gaarka ah ee howlgalkaan fuliyay taliska ay ka tirsan yihiin.