Sawirro : Mas'uuliyiin Dhagax dhigay Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.
Dhismaha xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug oo ay qayb ka yihiin xafiisyada adeegga degdega ah ee caafimaadka bulshada iyo baqaarada keydka dawada ayaa maanta laga dhagax dhigey magaalada Dhuusamareeb oo caasimad uu ah Galmudug.
Munaasabada dhagax dhiga oo ka qabsoontay halka dhismuhu ka bilaabanayo oo ah kasoo horjeedka xarunta madaxtooyada ayay ka qayb galeen, Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac, wasiirka caafimaadka Galmudug oo ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha iyo warfaafinta, Agaasimaha madaxtooyada, Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka & duqa Dhuusamareeb.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa uga mahad celiyey hey'adda BILL & MELINDA GATES FOUNDATION fulinta mashruucan balaaran oo sida uu sheegay lagu dhameystiro sadexda bilood ee ka dhiman sanadkan.





