Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Sawirro : Booliska Gobolka Bari oo walxaha qarxa soo bandhigay.

Sawirro : Booliska Gobolka Bari oo walxaha qarxa soo bandhigay.

Boosaaso : Taliska Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Bari iyo Hay'adda NPA oo iskaashanaya ayaa soo Bandhigay haraadiga waxyaabaha qarxa iyo Rasaasta waaweyn kuwaas oo laga so uruuriyay xaafadaha magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku hareereysan.

Howlgalladaan lagu soo qabqabtay agabyadan qarxa ayaa waxaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Bari ee Puntland G/dhexe Khaalid Maxamed Cabdiraxmaan oo howlgalka hoggaaminayay.

Taliyaha ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Puntland ay uga mahad celinayaan Hay'adda NPA oo gacan weyn ka geysatay sidii haraadiga waxyaabaha qarxa magaalada Boosaaso & deegaanada ku xeeran looga sifeyn lahaa iyo shacabka reer Boosaaso oo qeyb ka ahaa xogta lagu aruuriyay waxyaabaha Qarxa.

Qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya waxaa xiliyada qaar ka dhaca Qaraxyo kuwaas oo ah haraadiga miinooyin waqti hore la'aasay iyo hubka culus oo xiliyadii burburka la duugay, dhacdooyinka qaar ayaana ah kuwo xanuun badan.

Dhacdadii ugu dambeysay ee arinkaan la xiriirta ayaa waxaa ay aheyd in caruur wada dhashay oo ku cayaaray haraadiga waxyaabaha qarxa ay ku geeriyoodeen, halka mid kamid ahna uu dhaawac soo gaaray waxaana xigay inuu qalibmay gaarigii gurmadka deg dega ahaa ee dhaawaca la doonayay in Isbitaalka lagu geeyo.