Al-Shabaab oo ka hadlay kacdoonka iyaga ka dhanka ah.
Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay waxaa ay ka hadleen dhaq dhaqaaqyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kacdoonka dadka deegaanka oo is garabsanaya ay wadaan ee iyaga looga soo horjeedo.
Afhayeenka guud ee dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ka hadlayay goob fagaare ah oo ay tababar ugu soo xirayeen xubno kamid ah dagaalamayaashooda ayaa si gaar ah uga hadlay dagaalka ay ku dhawaaqday dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sh iyo kacdoonka ay bilaabeen Qabiilada qaar.
Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa beelaha Soomaaliyeed waxaa uu uga digay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka xilligaan ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka, isagoona ku hanjabay in ay beegsan doonaan beelkasta oo ku lug yeelata dagaalka.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha ay degan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda iyo xubnaha beesha caalaamka, maadaama buu yiri ay weerarro la beegsan doonaan.
Kacdoon ka dhan ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanada Galmudug & Hir-Shabeelle, wararkii ugu dambeeyay ayaana sheegaya in deegaano dhowr ah laga saaray Al-Shabaab, islamarkaana howlgallada lagu dilay Saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Ururkaasi, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.