Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xildhibaano deeq xoolo ah gaarsiiyay Ciidanka Hiiraan ka dagaalamaya.

Xildhibaano deeq xoolo ah gaarsiiyay Ciidanka Hiiraan ka dagaalamaya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Iidow iyo Xildhibaan Cabdinuur Cismaan Muumin oo katirsan Baarlamaanka Dowlad Gobolkeedka Hir-shabelle Ayaa Maanta Deeq Iskugu jirto Raashiin iyo Xoola Nool oo Geel ah ku Wareejiyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawisleyada ee Howlgada kawado Galbeedka Magaalada Baladweyne Hir-shabelle.

Deeqadan oo ka kooban Nuucyada Raashiinka Laba Neef oo Geel ah Ayey Xildhibaanada ku Wareejiyeen Ciidamada Aygoo kugu talagalay inay ku dhiirgaliyaan Ciidamada Dagaalada kawada Degaanada Galbeedka Gobolka Hiiraan Dowlad Gobolkeedka Hir-shabelle.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Co,isaaq Cali Cabdulle, Gudoomiye kuxigeenkii hore Amniga Gobolka Hiiraan khaalid Bashiir Macalin Ayaa Sido kale qeyb ka ahaay Wafdigan furmaha ku booqaday Ciidamada hugunta.

Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Degaanka Ayaa Saacadahii ugu Dambeeyay Howlgalo Culus kawaday Degaana katirsan Galbeedka Magaalada Baladweyne Gobolka Hiiraan Aygoo La Wareegay Degaanada kala ah Ceelcadde, Ceel-Matoor Wajab, iyo Degaano kale oo 70KM dhanka Galbeedka Kaga beegan Magaalada Baladweyne.