Sawirro : Deegaano hor leh oo Al-Shabaab laga saaray.
Hiiraan : Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka oo isgarabsanaaya ayaa saakay deegaano hor leh waxaa ay kala wareegeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab kuwaasi oo dhaca Galbeedka Magaalada Baladweyne, gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Xildhinaan Cabdiraxmaan Cabdi Iidow oo kamid ah Baarlamaanka Hirshabelle islamarkaan kamid ah Xildhibaano iyo Mas'uuliyiin hogaaminaya Howlgallada Galbeedka Gobolka Hiiraan ayaa Sheegay inay Saakay Ciidamadoodu La Wareegeen Deegaano u dhaxeeya Degmada Ceelcali iyo Ceelcade kuwaas oo kala ah Hidiga, Caag-Xoog iyo deegaano kale kuwaas oo 90KM u jiro Magaalada Baladweyne.
Xildhibaanku waxaa uu sheegay inay Dhamaan Degaanadaas Dagaal La'aan kula Wareegeen oo ay Al-shabaab iskaga baxeen kahor inta aysan Gaarin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo isku dhinac ah.
Maalmihii ugu dambeeyay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan waxaa si dar dar ah uga socday dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo markaan lumiyay inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan ee dhaca Bartamaha Dalka Soomaaliya.







