Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah faahinta Qarax Muqdisho ka dhacay.

Faah faahinta Qarax Muqdisho ka dhacay.

Wadajir : Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay Qarax uu qof isku soo xiray kaasi oo saakay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa si xoogan looga maqlay inta badan degmooyinka Wadajir, Dharkeynleey iyo deegaanada ku dhaw dhaw, waxaana uu ka dhacay xero Nacnac oo ku taallo degmada Wadajir dhanka wadada aadda Jasiira.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu fuliyay qof xirnaa jaakad walxaha qarxa lagu soo rakibay, waxaana uu bartilmaameedsaday dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan Ciidamada Xoogga Dalka oo xilligaas lagu diiwaangelinayay xerarada.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah waxaa jira qasaare badan maadaama goobta qaraxa uu ka dhacay ay tahay albaabka dhanka Badbaado ee xarada laga galo waxaana xilligaa lagu baarayay dhalinyarada Askarnimada loo qorayay.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaa naga soo gaaraya ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya iyo mas'uuliyiinta gobolka & kan degmada Wadajir oo ku aadan qaraxaasi.