Faah faahinta Dil Muqdisho ka dhacay.
Wadajir : Wararka naga soo gaaraya Suuqa Weyn, Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dableey Bistoolado ku hubeysan ay goordhaweyd halkaasi ku dileen mid kamid ah ganacsatada halkaa ku lahaa goobaha Ganacsi.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Daahir Jugle, waxaana uu halkaa ku lahaa baqaar weyn oo lagu iibiyo alaabaha bagaashka ah iyo qalabka Electronic-ga ah.
Dilka marxuumka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen koox dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bistoolado, Ciidanka ammaanka oo gaabta tagay dilka kadib ayaa sameeyay baaritaano aan la ogeyn ilaa iyo hadda natiijada kasoo baxday.
Warar hoose oo aanu helnay ayaa sheegaya in marxuumka uu deegaan ahaan kasoo jeedo degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo kamid ah goobaha ay beelaha dega wadaan kacdoon iyo dagaal ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
Sidaan oo kale waxaa magaalada Muqdisho loogu dilay Odayaal & Ganacsato deegaan ahaan kasoo kala jeeda Baxdo & Cadaado oo Galgaduud ka tirsan iyo Bariga magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Dhamaan beelaha daga deegaanadaan ayaa hormuud u ah kacdoonka shacabka is abaabulay ee la dagaalamaya Al-Shabaab waxaana ay kala wareegeen deegaano dhowr ah oo ay qaarkood maamulayeen dhowr iyo Toban sano.