Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Cali Guudlaawe oo la kulmay saraakiil ka tirsan Atmis.

Cali Guudlaawe oo la kulmay saraakiil ka tirsan Atmis.

Muqdisho : Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Wadanka waxaa uu kulan kula qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS oo uu wehliyo Taliyaha Secter Five ee Atmis.

Kulankaan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle, Taliyeyaasha Guutooyinka 3aad iyo 4aad ee Ciidanka XDS, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo Lataliyaasha Xafiiska Madaxweynaha ayaa looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada lagu baacsanayo Al-Shabaab iyo sida la isaga kaashan lahaa xoojinta howlgalada socda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay wali kaga sugan yihiin Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Madaxweyne Guudlaawe ayaa la wadaagay Taliska ATMIS in door muuqda ay ku yeeshaan howlgalada socda, waxaa uuna intaa raaciyay in hada wixii ka dambeeyo loo wada istaago ciribtirka Al-Shabaab.

Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxaa ka soconaya howlgallo ka dhan ah dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab kuwaasoo ay iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka & Ciidamada Deegaanka, waxaana muuqan doorka ay dagaalka ku leeyihiin Ciidanka Howlgalka Midowga Africa ee Atmis.