Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Puntland oo qabatay Al-Shabab baxsad ahaa.

Puntland oo qabatay Al-Shabab baxsad ahaa.

Garowe : Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Nugaal oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay qabteen xubno kamid ah dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab oo baxsad ahaa kuwaasi oo la sheegay inay ku wajahnaayeen deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Puntland.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Xussen Cali Maxamuud oo ka qayb galay kulan qado ah oo loo sameeyay Odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa ka hadlay muhiimada Amnigu leyahay.

Xussen Cali Maxamuud Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal ayaa sheegay in ciidamada Badda Iyo kuwa Bariga heegan la galiyay si buu yiri "Nabad diidka firxadka ah looga hortago isagoona codsaday in lala shaqeeyo Ciidamada Ammaanka qeybahooda kala duwan.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu u mahad celiyay Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada gobolka Nugaal sida wanaagsan ee ay laamaha Ammaanka ula shaqeyaan.