Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wasaaradaha Cadaaladda DG & Dowladda Dhexe oo kulan gaar ah isugu yimid.

Wasaaradaha Cadaaladda DG & Dowladda Dhexe oo kulan gaar ah isugu yimid.

Muqdisho : Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka DFS Xasan Macalin Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wasiirrada Cadaaladda iyo Dastuurka ee dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka oo casho ahaa ayaa aad loogu falanqeeyay horumarinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada heer ee wasaaradaha Dastuurka iyo Cadaaladda, dardar gelinta qorshaha qabya tirka dastuurka, hir-gelinta hannaan cadaaladeed loo simanyahay oo bulshada u horseeda garsoor hufan.

Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa caddeeyay in iyada oo la fulinayo aragtida Madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah iyo barnaamijka xukuumadda Dan-qaran, inay muhiim tahay isku xirnaanta wasaaradaha, maadaama wada-shaqeyntu ay tahay tiirka 1–aad ee guusha.

Wasiirrada dowlad gobaleedyada ee shirka ka qeyb galay oo wasiirka uga mahad celiyay qabashada kulankaan muhiimka ah ayaa ballan qaaday wada-shaqeyn buuxda si loogu guuleysto hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh, si qabya tirka dastuurka loo dardar geliyo, looguna sal-dhigo caddaalad sal adag oo horseedda horumar bulsho.

Kulanka ayaa qeyb ka ah shirar joogta ah oo wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS, Xasan Macallim Maxamuud uu la yeelanayay dhammaan dhinacyada wada-shaqeyntu kala dhexeyso si loogu gogol xaaro taabba gelinta qorshayaasha qaran ee wasaaraddiisu u xil-saarantahay.