Xubin kamid ahaa Al-Shabab oo isku dhiibay Ciidanka Nisa ee Koonfur Galbeed.
Xudur : Maxamed Xasan Nuur Oo katirsana dagaalamayaasha Ururka Argigixisada Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Maxamed ayaa wareysi lala yeeshay ku sheegay inuu Al-Shabaab kamid ahaa mudo labo sano asigoona sheegay inuu ka qeybqaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolada Dalka.
Maxamed ayaa sheegay in ay Ciidanka Nabadsugida si wanaagsan usoo dhaweyeen isagoona dhalinyarada Al-Shabaab weli kamid ah ugu baaqay inay isku soo dhiibaan Ciidamada kala duwan ee dowladda maadaama xilligaan dalka oo dhan uu ka bilowday howlgalo iyo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo kakala tirsan dowlad goboleedyada Hirshabeelle & Galmudug ayaa waxaa ka bilowday kacdoon ay sameynayaan qaar kamid ah qabaa'ilka halkaa daga iyagoo garab ka helaya Ciidanka Xoogga dalka, waxaana dhawaan kusoo biiray gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ay ciidamadu ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.