Faah faahino laga helayo shil gaari oo ka dhacay wadada Balcad.
Balcad : Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil gaari oo gabal dhicii shalay ka dhacay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Shilkaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo ka ambabaxay Muqdisho kuna sii jeeday Balcad kaasi oo ku rogmaday agagaarka Koontaroolka laga galo degmada Balcad.
Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya inay ku geeriyoodeen shilkaa gaari 5 Askari oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya halka ay ku dhaawacmeen 8 kale, waxaana gebi ahaanba burburay gaarigii ay saarnaayeen Ciidamada.
Askartii ku dhaawacantay shilkaas ayaa dhaawacyadooda loo soo qaaday magaalada Muqdisho waxaana qaarkood oo qaba dhaawacyo halis ah lagu dabiibayaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro ay fuliyeen xubno kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoona mararka qaar ay wadaan ka dhacaan shilal gaadiid oo waxyeelo geysta.