Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wasiir Fiqi oo soo xiray kulan howleedka horumarinta nidaamka diiwaangelinta madaniga ah.

Wasiir Fiqi oo soo xiray kulan howleedka horumarinta nidaamka diiwaangelinta madaniga ah.

Muqdisho : Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa soo xiray kulan howleed soconayey muddo afar maalin ah, kaas oo looga arrinsanayay helidda nidaam diwaangelin iyo tirakoobka qaran.

Munaasabadda oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha waaxda diiwaangelinta madaniga ah ayaa  wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi waxaa uu ka sheegay in loo baahanyahay in diiwaangelinta la waafajiyo halbeegyada caalamiga isaga oo yiri “Diiwaangelinta dhacdooyinka muhiimka ah ee hadda dalka ka jira waa in la waafajiyo halbeegyada caalamiga ah, waana arrin muhiim ah in aan isla fahanno meesha aan taagannahay”.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalllin Fiqi ayaa ku booriyey hey’adaha ay khuseyso in ay qeybtooda ka qaataan hirgelinta diwaangalinada waafaqsan habraacyada “Dhammaan heya’daha kala duwan waa in ay aqoonsadaan keliya diiwaangelinada waafaqsan habraacyada marka xeerkoodu soo baxo”.

Mudane Axmed Fiqi waxaa uu ku dhawaaqay oo kale in bilowga bisha December ee sanadkan ay wasaaraddiisu qaban doonto shirwayne qaran oo lagu ansixinayo siyaasada Qaran ee diwaangalinta waxaa uuna ka yiri “Bilowga December, waxaan qaban doonnnaa shirweynaha qaran ee ansixinta sharciga Diiwaangelinta Madanigaa, iyada oo la geyn doono goleyaasha dowladda si loo meelmariyo” isaga oo intaa raaciyey “Waxaa la sameyn doonaa barnaamij electronic ah oo haddaba ay joogto dalka hey’addii NADRa ee sameyn laheyd”.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen hey’adaha taageera howlaha diiwaangelinta Madanigaa ee kala ah UNECA, UNICEF, UNDP iyo UNHCR, waxaa uu socday tan iyo labadii bishan, waxaanna ka soo qeybgalay dhammaan saamileyda diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimkaa ee heer federaal sida Wasaarada Caafimaadka, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Waxbarashada, Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwangelinta Dadweynaha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland iyo xafiiska dad dhigista ee gobolka Banaadir.