Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Maamulka Hirshabelle Oo Ku Guuleystay In Uu Heshiisiiyo Labbo Beelood Oo Ku Dagaalamay Sh/Dhexe.

Maamulka Hirshabelle Oo Ku Guuleystay In Uu Heshiisiiyo Labbo Beelood Oo Ku Dagaalamay Sh/Dhexe.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Axmad Meyre Mamakaraan oo ay wehliyaan xildhibaano katirsan baarlamaanka soomaaliya Abaaduulaha guutada afaraad qeybta 27 ee ciidanka xooga dalka Bashiir Muqtaar Bashiir Sitey Iyo Imaan Daahir Imaan Maxa Muud  ayaa si wada jir ah ugu guuleystay xal u helida colaado beelo  walaala ah ku dhaxmaray  dagmooyinka Cadale Iyo Raaga Ceele  halka lagu maga caabo Buurta Diiran ayaana leysugu keenay dhalinyarada dagaalamay iyadoo halkaas ay isugu soo bexeen shacab aad u fara badan.

Ugu horeyn nabadoonada labada beel oo warbaahinta kula hadlay deegaanka ayaa sheegay in qofkii qof dila sharciga la horkeeni doono cadaaladana la marsiin doono.

Abaaduulaha guutada afaraad qeybta 27 Bashiir Sitey ayaa isaguna sheegay in ay waxii loo igmaday  guteen loona baahanyahay in ay dib u soo noqon tanoo kale.

Imaan Daahir Imaan Maxamuud ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay colaadahan in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda madama ay dhamaatay coolada ka jirtay deegaanadaas

Ugu danbeen gudoomiyaha maamulka gobolka shabeelaha dhexe Axmad Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay beelaha in ay dib usoo laaban wixii dhacay.