Wadahadaladii lagu dhexdhexaadinayay Dawladda Itoobiya iyo mucaaradka Tigray ga oo dib u dhac ku yimid sababo la xiriira dhinaca dhaqaalaha.
Wadahadaladaan oo lagu waday in ay dalka Koonfur afrika ka qabsoomaan maanta oo Sabti ah ayaa midawga afrika sheegay in ay wax ka dhimanaayeen dhaqaalihii uu shirkaasi ku qabsoomi lahaa.
Wadaxaajoodka la doonayo in lagu soo afjaro khilaafkii dalka Itoobiya ka socday labadii sano ee ugu danbaysay ayaa waxaa hogaaminayay madaxwaynihii hore ee dalka Nayjeeria Olusegun Obasanjo ( Alisigan obosaanjo), madaxwaynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo Phumzile Mlambo ( Famzil malambo) madaxwayne kuxigeenkii hore ee Koonfur afrika.
Ila dublamaasiyadeed oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in taariikhda la qaban doono wadahadalada dib laga soo sheegi doono.
Inkasta oo labada dhinac horay u aqbaleen ka qaybgalka shirkaas, hadana afhayeen Jimcihii u hadlay Jabahadda Xoraynta Tigreega ayaa sheegay in midawga afrika aanay wax wadatashi ah kala yeelanin hogaamiyayaasha Jabhadda Tigreega wadahadaladaas balse ay arkeen waraqadaha casuumaada ee kaqaybgalka shirka labada dhinac e Koonfurta Afrik.