Deg-Deg:Weerar Culusoo ka socda degaan hoostaga degmada Buulo-burde,
Sida uu ku soo waramayo wariyaheen deegaanda Hirshabeel Shairrf Xaashi Shuuriye degaanka jicibow oo qiyaastii 30km dhanka Waqooyi u jira Dagmada Buule -burte ee Gobolka hiiraan ayaa waxaa halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa sababay kadib markii ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weerareen deaanka Jicibo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in dagaalka oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu yahay mid xoogan.
Dhinaca kale Sida uu ku soo waramayo wariyaheen deegaanda Hirshabeel Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka,
Si rasmi ah weli lama helin faah faahin rasmiha ah maadaama uu dagaalka socdo.