Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxda dalka Uganda kala hadlaya xaalada dalka Soomaaliya .
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kujooga dalka Uganda ayaa waxaa lagu wadaa in uu wada-hadallo la yeesho Madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo Hogaamiyaha Uganda Yoweri Museveni.
Shirarkaan ayaa waxaa ay ku qotomaan xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka Soomaaliya, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan dhinaca amniga.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.
Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo aad u farabadan oo ku howlgalla Magaca howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.