Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan

Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya deegaanka Jiciboow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka Dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda kuwa dadka deegaanka oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar ku qaadeen deegaanka Jiciboow oo qiyaas ahaan 30 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan Buulaburte, halkaas oo mudooyinkii dambe fariisin u aheyd Al-shabaab.

Abaanduulaha Ururka 41aad Guutada 5aad qeybta 27aad ee Militirga Soomaaliya L/ Cabdirshiid Maxamed jeellow ayaa sheegay inay Ciidanka xoogga dalka ay khasaaro ku Garsiiyeen Al-shabaab Dagaal Maanta ka dhacay Degaanka jicibow ee hoostaga degmada buulo-Burde.

Wuxuu sheegay in howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ay weli ka wadaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka hiiraan, isla markaana ay ka go’an tahay inay uud ahaan Al-Shabaab ka saarayaan gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa mudooyinkii dambe gobolka Hiiraan kula dagaalamayay Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolka, waxaana bilahii lasoo dhaafay ciidamada iskaashanaya ay Al-shabaab kala wareegeen inta badan deegaanadii ay horay uga talin jireen.